(Xog) Maxaad kala socotaa Taariikhda madow ee Wasiir Cabdisaciid Muuse Cali?

Wasiirka arrimaha dibeda ee Somalia Cabdisaciid Muuse Cali wuxuu todobaanaadkii ku dhashay magaalada Jowhar ee gobolka Shabeellaha Dhexe, waxayna awooweyaashiis ka soo jeedaan waqooyiga Mudug, halkaasoo aabihiis 1980-tamaadkii kaga biiray Jabhaddii SSDF, ee uu aasaasay Marxuum C/llaahi Yuusuf madaxweynihii hore ee Somalia.

Noloshiisii korriimo qeyb ka mid ah wuxuu ku qaatay Xamar, ka hor inta uusan ka mid noqon dadkii Muqdisho laga raacdeeyay billowgii 1991-kii, xilligaas oo daaqadda laga tuuray dowladii milateriga aheyd, waana waqtiga uu sida rasmiga ah Cabdi Saciid cuqdadda gaamurtay ugu qaaday Hawiye sida ay sheegaan shaqsiyaad isaga ku dhow.

Wuxuu qaxootinnimo ku galay Yurub, ka hor inta uusan magangalyo ka helin Mareykanka, halkaasoo uu ka noqday tagsiile u shaqeeya Eagle Cab Company, taasoo fadhigeedu yahay magaaladda Dallas, ee gobolka Texas 1998.

Siyaasadda Soomaaliya ayuu u soo diga rogtay, markii xilka Madaxweynaha Soomaaliya ku guuleystayĀ  adeerkiis Cabdullahi Yuusuf, wuxuuna sheegtaa inuu 2004-2008-dii, la-taliye (Technical Advisor) u ahaa, Cabdullahi Yusuf.

Cabdi Saciid, wuxuu ka mid yahay shaqsiyaadka ku eedeysan xasuuqii 2007, ay dowladdii Cabdullahi Yuusuf iyo Ciidamadii Itoobiya ka geysteen Muqdisho, wuxuuna bixitaankii askartii Amxaarada kadib madax ka noqday barnaamijka horumarinta Itoobiya ee heyā€™adda Nordic International Support Foundation.

Xilligaas, waxaa lagu eedeeyay inuu kufsi u geystay gabar aan qaan-gaarin, isla-markaana ay hadda dacwo ka taallo dalka Kenya. Cabdi Siciid, wuxuu intii u dhaxeysay 2008 ilaa 2017 si aan qarsoodi lahayn dadaal ugu bixinayay in dalalka deeqaha bixiya ay maal-galiyaan PSF-ta Puntland, intii ay qeyb ka qaadan lahaayeen dhismaha Ciidamada Qaranka (SNA).

Farmaajo oo qorshihiisu yahay inuu xilal iyo darajooyin ku tixo shaqsiyaadka Hawiye naceybka ku sifoobay, ayaa 2017 u magacaabay la-taliyaha amnigiisa, oo ka dhigan (la-taliyaha amniga qaranka) isagoo aan u eegin lahaanshiyaha khibrad amni iyo aqoon ciidan midna.

Cabdi Saciid, oo dadka u dhow ay sheegayaan inuu yahay basaas dalal shisheeye u shaqeeya, ayaa lagu eedeeyay inu fashilyay qorshihii (Natinoal Security Architecture) ee lagu soo saxiixay shirkii London, waxaana la tabiyay inuu sir-doonno shisheeye iyo hayā€™ado caalami ah la wadaagay xog ku saabsan amniga qaranka.

Sidoo kale, wuxuu qeyb ka yahay shaqsiyaadka ku istaagay meel marinta qorshihii (Transition Security Plan) ee ujeedkiiu ahaa in ciidamada xoogga dalka Soomaaliya ay AMISOM, kala wareegaan amniga waddanka.

Cabdi Siciid, intii uu ahaa La taliyaha amniga Farmaajo, waxa ay xubno ka tirsan Wasaaradda Waxbarasha, ku eedeeyeen inuu Wasiirkii Arrimaha Dibadda ee xilligaasĀ  Axmed Ciise Cawad, ka dhaadhiciyay in ay boobaan deeq waxbarasho oo DF ka heshay Boqorootyada Thailand isagoo deeqdaan ka safay 24 Dhallinyaro ah (14 Gabdhood & 10 Wiil) oo dhamaantood ka soo jeeda Puntland, waxaana is-qabqabsi ka dhashay ugu danbeyn soo faragaliyay Farmaajo oo xal kama dambeys ah ka gaaray.

Wuxuu xogo qaldan si joogto ah u siinayay wakiillada beesha caalamka ee farriintiisu gaari karto, wuxuuna qeyb ka mid ah ciidanka XDS, ku tilmaamay (Maleeshiyo beeleed), taasoo sababtay in ay waayaan xuquuqaadkii ay lahaayeen.

Shaqsiyaad la khaarijiyay, qaraxyo waaweyn oo caasimadda gilgilay, curyaaminta ganacsiga reer Muqdisho, caburinta shacabka, cagajugleynta siyaasiyiinta iyo gaboof-fallo kale ayaa la rumeysan yahay inuu kaalinta koobaad uga jiray tan iyo dhamaadkii 2017.

Raā€™iisul Wasaaraha Xukuumadda Xil-gaarsiinta Rooble oo aan xog fiican ka heysan ninkan ayaa waxaa uu u magacaabay Wasiirka arrimaha dibeda ee Somalia.

Tan iyo markii uu qabtay xilka waxaa uu Wasaarada ka dhigay goob laga shaqaaleysiiyo beesha uu ka soo jeedo isagoo shaqada ka ceyriyey shaqaale muddo dheer ka soo shaqeeyey Wasaarada oo lahaa aqoon iyo khibrad shaqo.

Cabdisaciid ayaa tan iyo markii la magacaabay shaqo ka dhigay wicitaanka Wasiirada dalalka dhigiisa ah ee caalamka kuwaasoo gaaray heer ay dansadaan telefanada.

RW Rooble oo haatan ku baraarugay fikradaha iyo shaqada guracan ee Cabdisaciid ayaa haatan qorsheynaya inuu shaqada ka ceyriyo, isagoo haatan ku mashquulsan xulida shaqsigii lagu bedeli lahaa.

- Advertisement -