Allbanaadir.com
NEWS

Midowga Musharaxiinta oo kasoo horjeestay Bayaankii kasoo baxay Midowga Afrika

Gollaha Midowga musharaxiinta Madaxweynaha Soomaaliya ayaa si adag uga hor yimid bayaankii maanta kasoo baxay guddoomiyaha Midowga Afrika ee looga soo horjeestay go’aankii Ra’isul Wasaare Rooble dalka uga eryay Francisco Madiera.

Qoraal caawa kasoo baxay gollaha midowga Musharaxiinta ayaa loogu baaqay Guddoomiyaha Midowga Afrika Musa Faki in uu si degdeg ah kaga laabto bayaankii uu ku difaacayay Wakiilkii Midowga Afrika ee Soomaaliya Madiera ee dalka laga eryay.

Midowga Musharaxinta ayaa ku eedeeyay wakiilkii Midowga Afrika ee Soomaaliya Amb Francisco Madiera inuu faragelin qaawan ku hayay arrimaha gudaha Soomaaliya oo ay ku jirto inuu dhinac la safnaa.

Gollaha Midowga MusharaxiintA ayaa horey u taageeray go’aankii Ra’isul Wasaaraha Soomaaliya dalka uga eryay danjire Francisco Madiera oo ay sheegeen in uu ku xadgudbay madaxbanaanida Soomaaliya kuna milmay siyaasada isdiidan ee dalka.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

.

 

Related posts

Galmudug oo la wareegtay Gaadiid dagaal iyo ciidankii saarnaa (Daawo Sawirada)

Cabdi Cade

Tirada cod-bixiyayaasha Somaliland ee sannadkan ka qeyb galaya Doorashada oo la shaaciyay

Cabdi Cade

Burundi oo weli diidan qorshaha ciidankeeda qeyb ka mid ah looga saarayo Somalia

Caydiid Ali
Taboola Ads ---