Allbanaadir.com
NEWSSOUTH WEST

Wasiirka Gaashaandhigga ka jawaabay Isbaaradii uu sheegay Madaxweyne Laftagareen

Wasiirka Gaashaandhigga Xukuumadda Soomaaliya Cabduqaadir Maxamed Nuur (Jaamac) ayaa ka jawaabay eedeyntii kasoo yeertay Madaxweynaha Koonfur Galbeed oo ku aadanaa in Ra’isul Wasaare Rooble isbaaro u dhiganayo Xildhibaanada Koonfur Galbed.

Wasiir Jaamac ayaa sheegay in Koonfur Galbeed iyo dadka u dhashayba maanta uu maryihi ka furtay oo ceebeystay dad uu ku tilmaamay shufto masuuliyad sheeganeyso marki horana kuraasti ka boobay marki dambana isbaaro tii ugu foolxumeyd u dhigtay.

Halkan ka Akhriso Qoraal uu Wasiirka Gaashaandhigga ugu jawaabay Laftagareen

Marka deegaannada Koonfur Galbeed la joogo isbaaro abtirsiimo ayey leedahay iyo taariikh madow oo dad la yaqaanno ku suntan. Soomaaliduna waxa ay tiraahdaa “gacan xatooyo baratay gumudkeedaa dhadhaqaaqo”.

Aniga iyo dad ila mid ah waxaa sharaf weyn u ah in aan horyaal u aheyn kacdoonki dadweyne ee Maxaakiimti oo ahaa kacdoonki ugu weynaa ee isbaaro lagula diriray.

Isbaaro tan ugu xun waa in aad jidgooyo u dhigato ehelkaaga iyo dadki aad mataleysay, oo aad ka furato xorriyadoodi, sharaftoodi iyo xuquuqdoodi siyaasadeed ee asaasiga aheyd.

Koonfur Galbeed iyo dadka u dhashayba maanta waxaa maryihi ka furtay oo ceebeystay shufto masuuliyad sheeganeyso marki horana kuraasti ka boobay marki dambana isbaaro tii ugu foolxumeyd u dhigday xuquuqdi asaasiga aheyd ee xildhibaanada oo ka hortaagan in ay shahaadadi xildhibaannimada iyo kaarki aqoonsiga qaataan.

Isbaaro tan ugu foosha xun waxey aheyd tii kabaha looga siibtay xurmadlayaashi reer koonfur galbeed oo ay hormuudka u ahaayeen labadi gudoomiye baarlamaan Prof. Jawaari iyo Shariif Xasan.

Arrinta kale oo naxdinta leh ayaa ah hadallada xigmad-darrada ah ee cadaawadda iyo colka loogu abuuraayo Digil iyo Mirifle iyo deegaannadooda islamarkaana leyskula soofeeynaayo beelaha walaalaha ah ee soomaaliyeed iyada oo loogu adeegaayo dad hangaaban oo laxajeclo ka haayso in hogaanka dalka ku soo laabtaan ama iska sii heystaan.

Illeen qof walba waxuu garanaayo ayuu ka shaqeeyaa.

SHUFTANIMO SHUQUL GOBEED MAAHA.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

Related posts

Nin toorey ku dhaawacay Wiil labo sano ka yar oo lasoo bandhigay (Daawo Sawirada)

Cabdi Cade

Xassan Shiikh & Jonas Gahr Støre oo wada guddoomiyey madasha Oslo Forum (Sawirro)

Caydiid Ali

Diyaarad ay la socdeen Boqolaal Xujey ah oo Sacuudiga kusii jeeday oo cillad qabsatay

Cabdi Cade
Taboola Ads ---