Daawo Sawirada: Sida Cadaado ugu diyaar garowday soo dhaweynta Madaxweyne Farmaajo

Waxaa saacadaha soo aadan la filayaa in magaalada Cadaado ee xarunta KMG ee maamulka Galmudug ay soo gaaraan Wafdi balaaran uu hogaaminayo Madaxweynaha Jamhuuriyada Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdulaahi Farmaajo.

Shacabka magaalada Cadaado ayaa si weyn ugu diyaar garoobay soo dhaweynta Madaxweynaha Soomaaliya, waxaana magaaladaasi si weyn looga dareemayaa soo dhaweynta Madaxweynaha.

Amaanka magaalada Cadaado ayaa si weyn loo adkeeyay, waxaana wadooyinka muhiimka ah ee magaaladaasi lasoo dhigay ciidamo badan oo ku amaanka ah kuwaa oo xaqiijinaya amaanka Madaxweynaha iyo wafdiga la socda.

Waxaa si weyn loo xardhay goobo logu tala galay in Madaxweynaha Soomaaliya iyo Wafdigiisa lagu soo dhaweeyo sida Xarunta Madaxtooyada maamulka Galmudug oo si weyn loo qurxiyay.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -