Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

DF iyo ganacsatada Muqdisho oo Malaayiin Dolar ugu deeqay gurmadka dabkii Hargeysa

Ra’iisul Wasaaraha XFS Mudane Maxamed Xuseen Rooble ayaa kulan la yeeshay ganaacsatada Soomaaliyeed kaasoo looga hadlayay sidii loogu gurman lahaa ganacsatadii dabkii weynaa ee baabi’iyay suuqa weyn ee Hargeysa.

Rooble oo hadal ka jeediyey kulankaas ayaa xusay in xukuumada Somalia iyo ganacsatada Soomaaliyeed looga baahan yahay iney kaalmeeyaan walaalahood ku hanti beelay dabkii qabsaday Suuqa Hargeysa.

Gudoomiyaha Rugta ganacsiga Soomaaliyeed Maxamuud C/kariin Gabeyre ayaa isna sheegay iney aad ugu murugoodaan walaalahood Somaliland, ayna diyaar u yihiin iney kaalintooda ka qaataan sidii loogu gurman lahaa

Kulanka ayaa ugu looga dhawaaqay lacag gaareysa 3 Milyan oo Doollar taasoo 1 Milyan oo ka mid ah ay bixineyso XFS halka 2 Milyan oo Doollar ay bixinayaan Ganacsatada Soomaaliyeed.

Related posts

Ciidanka Booliiska Khaatumo oo gacanta ku dhigay gabdho Tahriibayaal ah Dibadda loo waday

Cabdi Cade

Senataro uu ku jiro Wasiir ka tirsan Xukuumada Rooble oo lagu doortay Baydhabo

Caydiid Ali

Dowlada oo Qarash badan ku bixisay Fashilinta Banaan baxa Muqdisho laga abaabulayo

Cabdi Cade
Taboola Ads ---