Al Shabaab oo lacago u qeybisay dad ay Dhibaateeyeen Ciidamada AMISOM (Sawirro)

Xarakada Al Shabaab ayaa lacago u qeybsisay qoysas ay dhibaato kasoo gaartay madaafiic ciidamada AMISOM gaar ahaan kuwa ka socda dalka Uganda ku garaaceen tuulada Siigaale oo u dhow deegaanka Jannaale ee gobolka Shabeelaha Hoose.

Guddoomiyaha Al Shabaab u qaabilsan gobolka Shabeelaha Hoose iyo saraakiil kale oo la socotay ayaa tagay guryaha ay waxyeelada kasoo gaartay madaafiicda AMISOM ku garaaceen, waxa ay sidoo kale u tacsiyadeeyeen ehelada dadkii ku dhintay madaafiicda.

Warbaahinta Al Shabaab ayaa shaacisay in madaafiicda AMISOM ku garaaceen tuulada Siigaale ku dhinteen shan qof ay ku jiraan hooyo iyo labo caruur ah ay dhashay halka tiro kalana ay ku dhaawacmeen.

Guddoomiyaha Al Shabaab ee gobolka Shabeelaha Hoose u qaabilsan C/samad Abuu C/raxmaan oo tagay tuulada weerarka ku dhacay ayaa sheegay in xanuunka la qeybsanayaan ehelada dadka waxyeelada soo gaartay.

Waxa uuna guddoomiyaha lacago u qeybiyay dadka ehelkooda wax ku noqdeen weerarka hoobiyaha iyo sidoo kale dadka kale ee guryahooda ku bur bureen, waxa uuna sheegay in ciidamada AMISOM aysan kala jecleen dadka Soomaaliyeed.

Ciidamada AMISOM ee ku sugan gobolada qaar ayaa madaafiic ku garaaca deegaano fog fog marka weerar uga yimaado dhinaca Al Shabaab, waxaana madaafiicdaasi mararka qaar waxyeelo kasoo gaartaa dad shacab ah.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -