Saraakiil ka soo goosatay Al-Shabaab oo Muqdisho laga soo dejiyey (Daawo Sawirro)

Laba Sarkaal oo ka tirsanaa Shabaab, kuwaasoo barqanimadii maanta iska dhiibay magaalada Baardheere ee gobolka Gedo ayaa caawa laga soo dejiyey garoonka dayuuradaha Aadan cadde ee magaalada Muqdisho.

Saraakiishan oo magacyadooda lagu kala sheegay Aadan Cabdi Maxamed (Aadan Coobbe) iyo Food Aadan Maxamuud ayaa u baxsaday  Baardheere, waxaana sababta keentay soo goosashadooda lagu sheegay duqeymaha aan kala joogsiga leheyn ee Mareykanku ku hayaan Saldhigyada Al-shabaab.

Labada nin ayaa la socday baabuur Suzuki ah oo ay maanta kaga soo baxeen magaalada Bu’aale, iyagoo kadibna gaaray tuulada lagu magacaabo Tubaako oo Koonfur ka xigta magaalada Baardheere.

Aadan Coobe ayaa xilal kala duwan kasoo qabtay ururka Al-Shabab, waxaana jagooyinkaas ka mid ahaa inuu xubin ka ahaa Golaha Shuurada isaga oo matala Gobolka Jubbada Hoose. Waxaa sidoo kale Aadan Coobe uu hore usoo noqday Madaxa Saadka Al-Shabaab ee Gobolka Jubbada Hoose.

Guddoomiye ku-xigeenka Gobolka Gedo Sheekh Maxamed Xuseen Al-Qaadi oo gacanta loo galiyay Saraakiishan marka ay Baardheere soo galeen, ayaa Warbaahinta u sheegay isa soo dhiibitaanka Aadan Coobbe iney tahay burburka Al-Shabaabka Gedo oo uu xusay inuu laf dhabar u ahaa.

Dhinaca Kale, magaalada Baardheere waxaa diyaarad gaar ah ku tagay isla maanta Saraakiil ka tirsan Nabad Sugida Soomaaliya NISA oo ka baxay magaaladda Muqdisho, waxeyna Saraakiishan Shabaabka u soo wadeen dhinaca magaalada Muqdisho oo maqribnimadii Caawa laga soo dejiyey.

Xubnaha Shabaab ka soo goostay ayaa caawa la geeyey xarumaha Sirdoonka Soomaaliya ay ku leeyihiin magaalada Muqdisho, halkaasoo su’aalo lagu weydiinayo, iyadoo la filayo in saxaadada loo soo bandhigo.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho-Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -