Cabdullaahi Sanbaloolshe oo ku guuleestay Doorashada kursiga HOP058 iyo Rasaas xoogan oo…

Waxaa goordhaw magaalada Baledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan ka dhacday doorashada kursiga tirsigiisu yahay HOP058 , waxaana kursigan ku tartamayay ilaa todobo musharax oo isdiiwaan geliyay.

Doorashada kursiugan oo xiiso gaar  ah lahaa ishana si weyn loogu hayay ayaa waxaa ku guuleestay taliyihii hore ee Hay’adda Nabad Sugida Soomaaliya Cabdullaahi Sanbaloolshe oo wareegii koobaad helay 54-cod.

Kursigan doorashadiisa ay ku tartamayeen siyaasiyiin miisaan culus ayaa la filayay in uu gaaro wareeg labaad , hasa ahaatee wareegii koobaad ayuu ku guuleestay Sanbalooshe halka musharaxii labaad ee kusoo xigay Cali C/llaahi Cosoble uu helay 28-cod.

Doorashada furan ee ka dhacday magaalada Baledweyne ayaa waxaa kusoo baxay xildhibaano siyaasad ahaan aad uga soo horjeeda hab maamulka Madaxweyne Farmaajo, waxaana doorashada looga adkaaday siyaasiyiintii Farmaajo taabacsanaa.

Rasaas xooggan oo dabaal deg ah ayaa laga maqlayaa xaafadaha magaalada Baledweyne, waxaana guusha Xildhibaan Sanbaloolshe noqotay mid si weyn looga dareemay loogana soo dhaweeyay magaalada Baledweyne .

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -