Allbanaadir.com
NEWS

Saraakiil sare & shacab Maxkamad loo soo taagay qaraxii ka dhacay Magaalada Addis ababa

Illaa 26 qof oo uu ku jiro ku xigeenka taliyaha booliska ee Addis Ababa ayaa waxaa la hor keenay maxkamad, ayadoo lala xiriirinayo weerar ka dhacay Sabtidii banaanbax magaalada lagu qabtay.

Warbaahin dawladda u dhow ayaa sheegtay in dadkaas qaarkood looga shakiyey inay bam-gacmeed ku tuureen banaanbaxa, in yar ka dib markii uu ra’iisul wasaaraaha waddankaas, Abiy Ahmed dhameeyey khudbad uu halkaa ka jeedinayey.

Qaar kale oo dadkaas ka mid ah ayaa iyana loo xirxiray sababta ay ku guul darraysteen inay ka hor tagaan weerarka, oo ay ku dhinteen laba qof, ayna ku dhaawacmeen in ka badan 150 kale.

Ra’iisul wasaaraha ayaa dhiig ugu deeqay bankiga dhiigga ee dalka, isagoo uga gol-lahaa inuu isbarbar taag u muujiyo dadkii ay waxyeellada soo gaartay.

Saraakiil ka socota FBI ayaa tegey Itoobiya si ay gacan uga gaystaan baaritaanka lagu hayo cidii ka dambeysay qaraxaas oo yaab iyo lama filaan ku noqday shacabka iyo dowlada Itoobiya.

 

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Taliska Booliska Somalia oo war ka soo saaray dil kale oo galabta loo geystay Bajaajle

Caydiid Ali

Musuq maasuq ka dhacay Wasaaradda Caafimaadka DF? (Dhac aan qarsoonayn)

admin

Madaxweynaha Jubbaland oo Guddoomiyay Shir arrimo kala duwan looga hadlay (Sawirro)

Cabdi Cade
Taboola Ads ---