Allbanaadir.com
NEWSWORLD NEWS

Dad ka badan 130 oo ku naf waayey dayuurad ku burburtay Shiinaha (Sawirro)

Diyaarad ay leedahay shirkadda Shiinaha ee Eastern Airlines oo siday 132 qof ayaa ku burburtay buuraha gobolka Guangxi ee koonfurta Shiinaha, sida ay sheegtay maamulka duulista rayidka ee Shiinaha.

Diyaaradan oo nooceedu ahaa Boeing-737 ayaa ka soo duushay magaalada Kunming ee koonfur-galbeed ee dalkaasi kuna wajahneyd Guangzhou markii ay lumisay xiriirka magaalada Wuzhou.

Diyaaradda ayaa waxaa saarnaa 123 rakaab ah iyo sagaal xubnood oo ka tirsan shaqaalaha diyaaradda, kuwaasoo laga cabsi qabo in dhamaantood ay shilkaas ku naf waayeen inkastoo dowlada shiinuhu aysan wax war nah ka soo saarin khasaaraha.

Muuqaal ayaa ku soo baxay Twitter-ka oo muujinaya daqiiqadihii ugu dambeeyay ka hor inta aysan diyaaradda ku dhicin buuraha.

Kooxaha gurmadka ayaa gaaray goobta uu shilku ka dhacay, halkaasoo uu ka kacayo dab, balse lama oga khasaaraha ka dhashay, sida uu sheegay Telefishinka Qaranka Shiinaha ee CCTV.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

Related posts

Ra’isul Wasaare Abiy Axmed oo Fariin gaar ah u diray Qurba joogta Itoobiya

Cabdi Cade

(Daawo Sawirro) Muuse Biixi oo xariga ka jaray Mashaariic laga hirgeliyey Laascaanood

Caydiid Ali

Banaan bax ka dhan ah Madaxweyne Farmaajo oo ka bilowday Muqdisho (Daawo Sawirro)

Cabdi Cade
Taboola Ads ---