Allbanaadir.com
JUBALANDNEWS

Guddiga doorashada oo shaaciyay guddiga soo xulaya labo Kursi oo lagu dooranayo Kismaayo

Guddiga doorashada heer dowlad goboleed Jubbaland ayaa shaaciyay Odayaasha dhaqanka iyo bulshada rayidka ee soo xulaya labo kursi oo lagu dooranayo magaalada Kimaayo ee xarunta KMG ee Jubbaland.

Labada kursi ee shaaciyeen guddiga doorashada odayaasha iyo bulshada rayidka ee soo xulaya ayaa ah kala ah HOP124 iyo #HOP029.waxaana labadan kursi midkood ku fadhiya Siyaasiga Cabdiraxmaan Dheere oo saaxiib dhaw la ah Farmaajo iyo Fahad Yaasiin.

Maadxweynaha Jubbaland ayaa iska diiday in kursigan Kismaayo ka qaato Cabdiraxmaan Dheere oo dagaal badan oo siyaasadeed la galay, waxa uuna Axmed Madoobe kursigan siiyay nin kale oo horey ugu fadhin jiray kursigan.

Kursigan ayaana Madaxtooyada Soomaaliya dadaal badan ku bixisay sidii uu ku heli lahaa Cabdiraxmaan Dheere, hasa ahaatee dadaalka Villa Soomaaliya iyo Fahad Yaasiin ayaa guul dareestay kaddib markii Axmed Madoobe iska diiday dalabkooda.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

https://www.youtube.com/watch?v=Qv0OYhZ9PxA

Related posts

Suldaanka Beesha Muddulood ee Gobolada Jubooyinka oo la caleemo saaray (Daawo Sawirada)

Cabdi Cade

Gudoomiyaha Baarlamanka Galmudug oo magacaabay Guddi ka kooban shan xubnood

Caydiid Ali

Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo la kulmay Safiirka cusub ee Imaaraadka (Sawirro)

Cabdi Cade
Taboola Ads ---