Allbanaadir.com
NEWS

Ciidamadii Ahlu Sunna oo saakay la warteegay Degmo ciidamada Dowlada gacanta ku hayeen

Wararka ka imaanaya degmada Matabaan ee gobolka Hiiraan ayaa sheegaya in saakay aroor hore degmadaasi la wareegeen ciidamadii hore ee kooxda Ahlu Sunna Waljameeca balse markii dambe la qarameeyay laguna biiriyay ciidanka dowlada.

Ciidamadan oo ku hubeesan gaadiidka kala duwan ee dagaalka ayaa saakay soo galay gudaha degmada Matabaan, waxaana lagu soo waramayaan in ay la wareegeen saldhiga booliiska iyo xarumo kale ay joogeen ciidamada dowlada.

Dadka deegaanka ayaa ku waramaya in ciidamadan horey uga tirsanaa Ahlu Sunna balse hada kamid ah ciidamada milatariga qeybta 21-aad ayaa lagu arkayaa saldhigyada muhiimka ah iyo baraha koontarool ee degmada laga soo galo.

Lama oga sababta keentay in ciidamadan saakay la wareegaan Matabaan oo kamid aheyd degmooyinkii ay Ahlu Sunno maamuli jirtay, waxaana warar soo baxaya sheegayaan in saraakiisha ciidanka hogaamineysa isku dhaceen taliska milatariga qeybta 21-aad.

 

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Ganacsade Soomaaliyeed oo lagu afduubtay Johannesburg iyo Booliiska oo Baadigoob wada

Cabdi Cade

Milatariga Sudan oo hanjabaad u diray dal garab siinaya RSF

Cabdi Cade

Fadeexad culus oo soo wajahday dowlada Sweden

Caydiid Ali
Taboola Ads ---