Guddoomiyaha G/Mudug iyo xubno kale oo ku soo baxay doorasho ka socota Garowe

Guddiga Doorashada Puntland ayaa maanta qabanaya Doorashada lixdii kursi ee ugu dambeeysay kuraasta Golaha Shacabka ee laga soo dooranayo degaanada Maamulka Puntland.

Doorashadan oo ka socota magaalada Garoowe ayaa waxaa ilaa hadda la doortay laba kursi oo tirsigoodu kala yahay HOP-73 iyo HOP-199.

Kursiga HOP-199  waxaa ku soo baxay Guddoomiyaha Gobolka Mudug, Cabdiladiif Muuse Nuur yare isagoo helay Codadka 100 Ergo oo fadhiday hoolka ka dib markii Luul Abshir oo markii horeba malxiis aheyd ay Tartanka ay isaga hartay.

Sidoo kale, Eng Maxamed Cabdullaahi Kayse, ayaa ku guulaystay Kursiga HOP073 ka dib markii Malxiiskii loo qoray Cabdullaahi Cabdi Jaamac uu tartanka isaga haray.

Doorashada ayaa lagu qabtay Xerada 54 aad ee Magaalada Garoowe.

Waxaa hartay doorashada afar kursi oo la sii ogyahay natiijada ay ku dhamaan doonaan iyo musharaxiinta ku soo bixi doona, iyadoo madaxweyne Deni lixda kursi ee saaka la dooranayo uu u xiray musharaxiin gaar ah.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

 

- Advertisement -