Allbanaadir.com
NEWS

(Daawo Sawirro) Maxkamadda caalamiga ah ee dambiyada oo amartay in la soo xiro Mahmoud Al-Werfalli

Maxkamadda caalamiga ah ee dambiyada ee The Hague ayaa markii labaad soo saartay amar ah in la soo qabto taliyaha ciidanka fadhiggiisu yahay bariga dalka Liibiya Mohamud Al-Werfali.

Maxamuud Al-werfaali oo hoggaamiya ciidammada bariga Liibiya ku sugan ayaa lagu eedeeyay inuu gaystay dambiyo dagaal.

Go’aankan ugu dambeeyay ee kasoo baxay maxkamadda ICC ayaa kusoo beegmaya xilli muuqaal baraha bulshada lagu baahiyay bishii January uu kasoo muuqday taliyahan oo masaajid hortiisa ku tooganaya ilaa 10 qof magaalada Banghazi.

Waxaa la sheegay in ciidammadiisa ay dagaal kula jireen kooxo isugu jiro islaamiyiin ah iyo maleeshiyaad maxalli ah magaalada Banghazi muddo saddex sanno ah , dagaalkaasi oo soo afjarmay sannadkii lasoo dhaafay.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

 

Related posts

Madaxweyne Trump oo shaaciyay in uusan la hadleyn Xi Jinping iyo Sababta keentay

Cabdi Cade

Golaha Ammaanka oo Shir xasaasi ah ka yeeshay is-mariwaaga siyaasadda Soomaaliya

Cabdi Cade

Ku-simaha Madaxweynaha oo Muqdisho kula kulmay Mike Nithavrianakis (Sawirro)

Cabdi Cade
Taboola Ads ---