Allbanaadir.com
NEWSWORLD NEWS

Madaxweyne Zelensky oo baaq yaab leh u diray cidanka Ruushka ee dalkiisa ku soo duulay

Madaxweynaha Ukraine, Volodymyr Zelensky ayaa ugu baaqay ciidamada Ruushka inay isa soo dhiibaan xilli uu dalkiisa saameeyay gantaallada uu Ruushka ku gaaracayo halkaas.

Isaga oo khudbadda ka jeedinayay teleefishinka qaranka, wuxuu sheegay in ciidamada Ruushka ay khasaare xooggan kala kulmeen dagaalka Ukraine.

Wuxuu sheegay in durbadiiba uu Ruushka dareemay in dagaalka uusan ku guuleysan doonin.

Zelensky wuxuu sheegay in haddii ay qabtaan ciidanka Ruushka ay si wanaagsan ula dhaqmi doonaan.

Dhinaca kale Zelensky wuxuu u sheegay madaxda Yurub in shacabka dalkiisa ay haatan ku tiirsan yihiin gargaarka ay u fidiyeen beesha caalamka baddalkii ay caawin lahaayeen dalalka ka tirsan ururka Nato.

Zelensky oo shirka kaga qeybgalayay muuqaal toos ah wuxuu madaxda u sheegay inay adeegsadeen hubkii loo soo diray. “Hubka ina soo gaaray, muddo 20 saacadood gudahood ayaan ku isticmaalnay”

Wuxuu soo dhaweeyay cunaqabateynta reer galbeedka ay ku soo rogeen Ruushka balse wuxuu dhaleeceeyay dalalka weli la macaamilayo Ruushka.

https://www.youtube.com/watch?v=WmTPr1fIxDQ

Related posts

Taliye Odowaa oo booqday dadkii ku dhaawacmay qaraxii isaga lagu weeraray (Sawirro)

Caydiid Ali

Wararkii ugu dambeeyay dibad-baxyadii Dhuusamareeb & shaki laga qabo..

admin

Cillad ku timid baraha bulshada ee Facebook , WhatsApp iyo sidoo kale Instagram

Cabdi Cade
Taboola Ads ---