Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Facebook oo shaacisay olole ka dhanka ah Putin iyo Ruushka oo ka jawaabay

Milkiilaha Facebook iyo Instagram ayaa macaamiisha isticmaasha barahan ee ku sugan dalalka qaar u fasixi doona in ay hadallo qallafsan iyo erayo qalalaase ah ku dhahaan Vladimir Putin iyo militeriga Ruushka.

Tani waxa ay ka dhigan tahay in waddamada qaar dadka ka isticmaala Facebook iyo Instagram loo oggolaanayo inay soo qoraan waxyaabo meel ka dhac ah oo aan horay loo oggolaan jirin.

Mas’uuliyiinta Meta ayaa sheegay in ay si ku meel gaadh ah u sameyn doonaan isbadallo ku aaddan shuruucda hadallada qalalaasaha ah, sida in uu qof dhaho “ha dhintaan Ruushka waddanka kale xoogga ku galay,” waana hadal jabinaya sharcigii u yaallay shirkaddan.

Hase yeeshee waxa ay sheegeen in aysan oggolaan doonin hadallo xun xun oo ka dhan ah shacabka Ruushka.

Dowladda Ruushka oo ka jawaabeysa tallaabadan ayaa Mareykanka ugu baaqday in ay shirkaddan Baraha Bulshada ka tirsan ka hor istaagto “ficilka xagjirnimada ah”.

Ku dhawaaqista arrintan ayaa timid kaddib markii ay Wakaaladda Wararka ee Reuters sheegtay in ay aragtay farriimo la isku dhaafsanayay gudaha shirkadda oo ka hadlayay isbaddalka sharciga.

Xigasho: BBC

https://www.youtube.com/watch?v=tNmckq7a6pA

Related posts

Milateriga Israel oo duqeeyey Isbitaalo ku yaalla Magaalada Gaza (Sawirro)

Caydiid Ali

Somaliland oo u dabaaldegtay sanadgurada 33aad ee Maalinta 18ka May (Sawirro)

Caydiid Ali

Itoobiya oo Mamnuucday in diyaaradaha Dul maraan Biyo Xireenka Wabiga Niil

Cabdi Cade
Taboola Ads ---