Guddiga Doorashada oo War cusub kasoo saaray Saddex kursi ay hakiyeen Doorashadooda

Guddiga doorashada heer federaal ayaa xalay qoraal ay soo saareen waxa ay ku hakiyeen doorashada saddex kursi oo kamid ah kuraasta gollaha shacabka ee lagu dooranayo magaalada Baledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan.

War kale oo xalay xilli dambe kasoo baxay guddiga doorashada heer federaal ayey hadana ku shaaciyeen in la fasaxay doorashada saddexda kursi ay horey u hakiyeen, waxa ayna shaaciyeen in la saxay habraacyada doorashada kuraastaasi.

Afhayeenka Guddiga doorashooyinka Heer Federaal Axmed Safiino ayaa sheegay in cabasho laga keenay habraaca doorashada kuraasta ay hakiyeen, balse hada dib loo fasaxay sida uu tilmaamay markii la xaliyay cabashadii laga keenay saddexaasi kursi.

Waxa uu sheegay afhayeenka guddiga doorashada in saddexdan kursi doorashadooda hada fasaxyihiin uuna fillayo in maanta salaada duhur kaddib lagu doorto magaalada Baledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan.

Kuraastan la hakiyay hadana la fasaxay ayaa maalmihii lasoo dhaafay muran ka taagnaa doorashadooda, waxaana kuraastan ku fadhiya mar kalana doonaya xildhibaanada kala ah Daahir Amiin Jeesow, Cabdidirisaaq Jindi iyo Cumar Cismaan Waasige.

Musharaxiinta iyo dadka iska leh kuraastan ayaana si weyn uga soo horjeeday in loo xiro musharaxiin si gaar ah u wataan Madaxda Hirshabelle iyo Villa Soomaaliya, waxaana baledweyne ka bilowday dhaqdhaqaaqdo ciidan oo looga soo horjeeday in kuraastan dad gaar ah loo xito.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -