Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Deni, Isimada Gobolka Bari iyo Saraakiisha ciidamada oo kulan xasaasi ah yeeshay (Sawirro)

Madaxweynaha Dowladda Puntland Siciid Cabdullaahi Deni iyo Isimadii gacanta ku hayey dhibaatadii ka dhacdey magaalada Bosaaso ayaa maanta kulan kale ku yeeshay magaalada Boosaaso.

Kulankan waxaa iyaguna qayb ka ahaa Taliyaha Daraawiishta Gen Yasiin Cumar Dheere. Taliyaha Boooliska Gen. Maxamed Cali Xaashi iyo Gen. Maxamuud Cismaan Cabdullahi Agaasimaha Ciidanka PSF kulankan ayaa ka qabsoomay garoonka diyaaradaha ee Magaalada Bosaaso.

Kulanka ayaa diirada lagu saarey sidii ay ciidamada qalabka sida dib ugu wada shaqayn lahaayeen iyadoo dhamaan fadhiyada ciidanka la faray, in ay wada shaqeeyan waxaana uu ku soo dhamaadey jawi wanaagsan iyo is-afgarad.

Madaxwaynaha iyo isimada ayaa iyaguna kulan labaad la qaatay gudigii loo saarey dhibaatadii ka dhacdey dagaalkii Boosaaso iyo gudoomiyaha gobolka Bari, duqa degmada Boosaaso waxana uu Madaxwaynuhu amray in si deg-deg ah wax looga qabto dhibaatadii  dhacday, Isimada ayaa u mahadceliyey Madaxwayne Siciid Cabdullahi Deni iyo cid walba oo ka qayb qaadatay xal u helida dhibaatadii ka dhacday Boosaaso.

 

Related posts

Dowlada Somalia oo ka carootay warbixin ka soo baxday guddi ka tirsan Midowga Afrika

Caydiid Ali

Beesha Caalamka oo go’aan ka soo saareysa Shirka Garoowe & Xaaf iyo Axmed Madoobe oo culeys wajahaya

Caydiid Ali

Salman Rushdie oo toorey si xun loogu dhaawacay xilli uu masrax Hadal ka jeedinayay (Sawirro)

Cabdi Cade
Taboola Ads ---