Dowlada Somalia oo ka carootay warbixin ka soo baxday guddi ka tirsan Midowga Afrika

Dowladda federaalka Somalia ayaa caro weyn ka muujisay Warbixin uu soo saaray Guddi ka tirsan Midowga Afrika oo looga hadlay xaalada dalka

Warbixintan oo ka hadleysa xaaladda Siyaasadda, Amiga iyo Dhaqaalaha Soomaaliya ayaa bishii May loo gudbiyey madaxda sare ee Midowga Afrika.

Guddigan ayaa sheegay in dhinaca siyaasadda ay Soomaaliya gashay qalalaasho iyo heshiis la’aan 4-tii Sano ee uu Madaxaweynaha ahaa Maxamed C/llaahi Farmaajo.

“Caqabadda aasaasiga ah ee xasilinta waxay ka imaaneysaa fashilaadda Dowlada Federaalka iyo Dowlad Goboleedyada ee xallinta dib-ueegista dastuurka, arrimaha & wadaagga kheyraadka” ayaa lagu yiri warbixinta Guddiga Midowga Afrika.

Qalalaasaha siyaasadeed iyo heshiis la’aanta Doorashada waxay Soomaaliya qarka u saareen Amni darro iyo iney dib ugu laabato dagaal sokeeye.

“Dowladda Federalka iyo Maamul Goboleedyada waxay ku guuldareysteen inay dhisaan qaab dhismeedyo wadatashi oo shaqeynaya si loo xaliyo khilaafaadka. Madaxda siyaasadeed ee Soomaaliya ma ixtiraamaan heshiisyadooda; waxay muujiyaan tixgelin ku aaddan qabiilka halkii ay ilaalin lahaayeen nidaamka dastuurka federaalka ah” ayaa sidoo kale lagu yiri warbixinta guddiga

Sidoo kale, Guddiga Midowga Afrika waxay Warbixintooda ku sheegeen in ciidamada Soomaaliya aysan diyaar u ahayn inay AMISOM kala wareegaan Amniga dalkooda, DF ay ku fashilantay iney fuliso heshiisyadii Amniga iyo dhismaha ciidamada Qaranka.

Dowlada Somalia oo war kooban soo saartay ayaa sheegtay in warbixintan ay ka soo horjeedo.

“Iyadoo laga jawaabayo warbixintii ka soo baxday Guddiga Qiimeynta Madaxa Bannaan ee Midowga Afrika ayay dowladda Soomaaliya  kulan ka yeelatay warbixintaas, waxayna si hor dhac u diidday natiijada warbxinta. DFS waxay soo saari doontaa qoraal rasmi ah oo arrintaas la xiriira” ayaa lagu yiri qoraal kooban oo ka soo baxay Wasaarada arrimaha dibeda ee Somalia.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -