Muuse Biixi oo ka hadlay Dagaalka Ukraine iyo Ruushka Hanjabaadna u diray Dowladda Soomaaliya

Madaxweynaha maamulka Somaliland Muuse Biixi Cabdi ayaa markii ugu horeesay ka hadlay duullaanka ciidamada Ruushka ku qaadeen dalka Ukraine iyo duqeymaha culus ee Ruushku ku garaacayo magaalooyin kuyaalla dalkaasi.

Muuse Biixi ayaana ugu baaqay madaxda dowladaha Ruushka iyo Ukraine in dagaalka joojiyaan ayna xabad xal u badalaan, waxa uuna xusay in dagaalka ka socda Ukraine iyo duqeymaha mid ka daran soo martay Soomaaliland xilligii dowladii Dhaxe.

”Waxaan xusuustaa maanta marka adduunku sidaa Ukraine uga hadlaayo Anniga iyo inta ila da’ada ah ee usoo joogtay wixii ka dhacay Somaliland xusuus gaara ayey u leedahay, waayo sidii loo duqeeyey Hargeisa, Burco iyo wixii ku dhacay iyo rasaastii ku dhacday Caasimadda Ukraine kumay dhicin, Kyiv madaafiic waa weyn baa lala dhacaa laakiin sidii cadowtinimada lahayd ee halkan lagula dhaqmay wali may gaadhin, Hargeisa berigii dagaalku dhacay ee 1988 bari iyo galbeed waxay u ahayd 17KM Waqooyi iyo Koonfurna waxay u ahayd 13KM, Buurtaa Taliska guud dusheeda waxaa lasoo dhigay 60-Madfac oo siman oo nooc walba leh, xagga dhaqaaqa waxaa lasoo dhaqaajiyey dhawr iyo saddon taangi, wuxuu qorsheeyey ninkii halkaa ka talinaayey ee abbaan duulaha ka ahaa in Mitir kasta oo Hargeisa kamida ay Xabadi ku dhacdo, xattaa dagaalkii 1aad ee adduunka may dhicin”. ayuu yiri Muuse Biixi.

Dhinaca kale Madaxweynaha Soomaaliland ayaa sheegay in awoodda ciidankooda hada ka duwan yahay sidii hore, waxa uuna sheegay haddii Soomaliya ay dagaal ka maarmi waayaan ay Somaliland u dhigi doonto Cashar ka duwan kii ay hore ugu dhigeen.

“Maanta Alxamdulilaah nabad baynu ku jirnaa ciddna dagaal uga biqi mayno dadka nabad baynu u wada fidinaynaa qolo halkan oo aynu beri wadaagi jirnay dawlad oo aad inoogu hanjabtaa hadday dagaal ka maarmi waayaan casharkii aynu aabbayaashood u dhignay ku ka wanaagsan baynu u dhigi doonaa, laakiin waxaa inoo yaalla awood kale oo dal dhis ah, waxaa laga doonayaa Ciidanka qaranka maamulka fidintiisa dadka walaalayntiisa, dhibaatooyinka badan ee dalka haysta inaad idinku ka saartaan”. ayuu yiri Muuse Biixi.

Hadalkan kasoo yeeray Madaxweynaha Soomaaliland Muuse Biixi Cabdi ayaa imaanaya xilli maamulka uu hoggaamiyo ku mashquulsan yahay dhismaha ciidan gaar ah uu yeesho maamulkaasi.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -