Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Ruushka oo dal carbeed ka qoranaya ciidamo uu u adeegsado dagaalka Ukraine

Moscow ayaa askareyneysa rag Suuriyaan ah oo xirfad u leh ku dhex dagaalamidda magaalooyinka, si ay uga dagaalamaan Ukraine, kadib markii ay ku adkaatay ciidamada Ruushka inay gudaha u galaan magaalooyinka, warkaan waxaa laga soo xigtay mas’uuliyiin Maraykan ah.

Xeeldheerayaal Maraykan ah ayaa sheegay in Ruushka oo hawlgallo ka sameynayay Suuriya tan iyo 2015 kii uu blibaabay inuu dagaalyahano ka qorto halkaas, isagoo doonaya in qibradooda ka dhex dagaalamida magaalooyinka uga faa’iideysto inuu gacanta ku dhigo Kyiv.

Ma cadda inta dagaalyahan ee ay qorteen Ruushku, laakiin qaar ka mid ah ayaa ku sugan Ruushka halkaasoo loogu diyaarinyo si ay Ukraine u galaan, sida ay sheegeen saraakiishu.

Dhinaca kale Tobaneeyo qof oo shacab ah ayaa lagu dilay dagaalka magaalada Chernihiv ee ku taalla waqooyiga Ukraine. Qaar ka mid ah dadka badbaaday ayaa ku nool godad ama burburka daaraha hoostooda.

Duulaanka ay ciidamada Ruushka ku qaadeen dalka Ukraine ayaa manata galay maalintii 12-aad, ayada oo weli Moscow aanay sameyn horumar la taaban karo. Haddaba waa kuwan wararkii ugu dambeeyey xaaladda iyo qodobada aad u baahan tahay inaad ogaato.

 

 

Related posts

Madaxweyne Trump oo ku dhawaaqay in uu qabsan doono dalal ay Canada ku jirto

Cabdi Cade

Guddoomiye Cali Jeyte oo Aqalka Sare uga Warbixiyay howlgalada ka socda Hiiraan (Sawirro)

Cabdi Cade

FBI-da Mareykanka oo ciidanka Booliska DF u balan-qaaday..

Caydiid Ali
Taboola Ads ---