(Sawirro) Golaha guud ee Q/Midooday oo cambaareeyey Ruushka iyo Somalia oo..

Golaha loo dhan yahay ee Qaramada Midoobay ayaa u codeeyay in Ruushka uu joojiyo duullaanka uu ku hayo Ukraine oo uu dhammaan ciidamadiisa kala baxo, iyadoo waddamo ka kala socda quwadaha adduunka iyo kuwa jasiiradaha yar yar ay cambaareeyeen ficillada Moscow.

Waxaa Qaraarkan u codeeyey 141 halka 5 dal ay ka aamuseen waxaana diiday 35 dal, Waxayna talaabadan timid ka dib markii 193-da xubnood ee golaha ay isugu yimaadeen kalfadhigii ugu horreeyay ee degdeg ah tan iyo 1997kii.

Soomaaliya iyo Jabuuti ayaa ka mid ah dalalka u codeeyey cambaareynta Ruushka, iyadoo dalalka Suuriya, Waqooyiga Kuuriya, Eritrea iyo Belarus ay ka soo horjeesteen

Go’aamada goluhu maaha kuwo si sharci ah loo fulinayo, laakiin waxay leeyihiin awood ay ku muujiyaan ra’yiga caalamiga ah.

Marka loo eego xeerarka fadhiga degdegga ah ee gaarka ah, qaraarku wuxuu u baahan yahay oggolaanshaha saddex-meelood laba meelood ee dalalkaas codeynaya, diidmaduna lama xisaabinayo.

In ka badan 90 waddan ayaa gacan ka geystay qaraarka golaha. kuwaasoo ka xumaaday gardarrada Ruushka ee ka dhanka ah Ukraine.

Qaraarka ayaa dalbaday in si degdeg ah loo joojiyo isticmaalka awoodda Moscow iyo in si degdeg ah, dhammaystiran oo shuruud la’aan ah looga saaro dhammaan ciidamada Ruushka ee xuduudaha caalamiga ah ee Ukraine.

Tallaabadan ayaa sidoo kale ugu baaqday Ruushka inuu ka laabto go’aanka uu ugu aqoonsaday laba qaybood oo gooni u goosad ah oo ku yaal bariga Ukraine inay madaxbannaan yihiin.

- Advertisement -