Allbanaadir.com
NEWS

Boqortooyada Sacuudiga oo Ballanqaad u sameesay Duqa Muqdisho (Sawirro)

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Ahna Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) iyo Wafdi uu hogaaminayo uu ka kid yahay Guddoomiye Kuxigeenka Arrimaha Bulshada oo safar shaqo ku jooga dalka Boqortooyada Sacuudi Carabiya ayaa kulan la qaatay Madaxa Sanduuqa Horumarinta dalka Boqortooyada Sacuudiga Sultan Abdulrahman Al-Marshad.

Guddoomiye Madaale ayaa Madaxa (SFD) Mudane Sultan Abdulrahman Al-Marshad, kala hadlay sidii ay gacan ugu geysan lahaayeen Qorshayaasha Hor-tabinta u leh Dowladda Hoose ee Xamar iyo Barnaamij-yada Horumarineed ee Caasimadda, taasi oo ay ugu horeyso Horumarinta Kaabayaasha Adeegyada Aasaasiga sida Caafimaadka, Waxbarashada, Dib-u-dhiska Caasimadda iyo Horumarinta Magaalada Muqdisho.
Madaxa Sanduuqa Horumarinta dalka Boqortooyada Sacuudi Carabiya Mudane Sultan Abdulrahman Al-Marshad, ayaa balan qaaday in Sanduuqa (SFD) uu Maamulka Gobolka Banaadir iyo Dowladda Hoose ee Xamar kala shaqeyn doonno Arrimaha Horumarinta iyo Adeegyadda Aasaasiga ee wax-tarka u leh Bulshada Caasimadda Muqdisho.
Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Xildhibaan ku geeriyooday magaalada Muqdisho iyo Madaxweyne ka tacsiyadeeyay

Cabdi Cade

Dad badan oo ku dhintay God Dahabka si sharci-darro ah looga qodayay

Cabdi Cade

Faah faahino kasoo baxaya dil goordhaw ka dhacay Suuqa Bakaaraha

Cabdi Cade
Taboola Ads ---