Madaxweynaha Belarus oo war kasoo saaray in Ciidankiisa qeyb ka yihiin dagaalka Ukraine

Dalka Ukraine waxaa duulaan culus ku qaaday ciidamada milatariga Ruushka, waxaana dalkaasi muddo ku dhaw isbuuc ka socda dagaal culus iyo duqeymo ay is dhaafsanayaan ciidamada Ruushka iyo kuwa Ukraine.

Madaxweynaha dalka Belarus Alexander Lukashenko, oo warbaahinta dowladda la hadlay ayaa beeniyay warar sheegayay in ciidamadiisa qeyb ka yihiin duullaanka Ruushka ku qaadeen dalka Ukraine ee dariska la ah Belarus.

Waxa uu sheegay Madaxweyne Alexander Lukashenko, in ciidamada dalkiisa aysan  diyaar u aheyn in ay qeyb ka noqdaan duullaanka Ruushka ku qaaday dalka Ukraine, waxa uuna cadeeyay in aysan marnaba ciidankiisa ka qeyb geli doonin duulaanka.

Dowladda Ukraine ayaa horey ugu eedeesay dowladda Belarus oo saaxiib la ah Ruushka in ay qeyb ka yihiin duullaanka lagu soo qaaday, waxa ayna masuuliyiin katirsan dowladda Ukarine shaaciyeen in madaafiic looga soo tuuray dhinaca Belarus.

Madaxweynaha Belarus Alexander Lukashenko, ayaa saaxiib dhaw la ah Madaxweynaha Ruushka, waxaana hadalka kasoo yeeray Belarus imaanayaa xilli ay martigalinayaan wadahadalo dhax mara wafuud ka kala socota Ruushka iyo Ukarine.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -