Allbanaadir.com
NEWS

Madaxweyne Biixi oo kulan la qaatay 20-Wakiil oo Somaliland u qaabilsan Caalamka (Sawirro)

Madaxweynaha Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi waxa uu maanta oo ay taariikhdu tahay 27/02/2022 qasriga madaxtooyada, kulan kula qaatay labaatan (20) wakiil oo ka mid ah wakiilada Somaliland u fadhiya dalalka dibeda oo maalmihii u danbeeyey uu tababar uga socday magaalo madaxda gobolka Saaxil ee Berbera.
 
Kulankan oo ujeedadiisu ahayd xog-waran guud oo la xidhiidha hawlaha ay ugu magacaaban yihiin, sidii loo dardar-gelin lahaa korna loogu qaadi lahaa arrimaha aqoonsiga Somaliland, ayaa waxa madaxweynaha warbixin guud ka siiyey wasiirka arrimaha dibeda iyo iskaashiga caalamiga ah, Mudane Ciise Keyd Maxamuud ..
 
Waxaanu madaxweynaha Somaliland wakiiladda kula dardaarmay inay xoojiyaan dedaalka iyo shaqada ay Somaliland u hayaan, dareensanaadaana inay wakiilo u yihiin shacbiga Somaliland ee ay magacooda xambaarsan yihiin kuna metelaan dalalka ay joogaan, ogsoonaadaana in la joogo wakhtigii Somaliland caalamka ka heli lahaa waxa ay ka mudan yihiin oo ah ictiraaf buuxa, tahayna in ay ka shaqeeyaan dedaalkaasi, iyagoo garab iyo gashaanba ka helaya dawladda iyo shacbiga Somaliland ee dibeda iyo gudahaba.
 
Ugu danbayntiina waxa uu madaxweynuhu wasaaradda arrimaha dibeda iyo iskaashiga caalamiga ah ku bogaadiyey dedaalka ay gelisay in kulamo noocan oo kale ahi u qabsoomaan wakiiladda Somaliland ee dalalka dibeda, iyo khabiiradii siiyay tababarka la xidhiidha shaqooyinka ay qaranka u hayaan.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

https://www.youtube.com/watch?v=2REGropyTpI&t=31s

Related posts

Soomaaliya oo loogu deeqay aduun gaaraya 18 milyan oo dollar & Wasiir Axmed oo ka hadlay

Caydiid Ali

(Sawirro) Madaxweyne Deni oo amar siiyey Ciidamada Booliska Puntland ee Garoowe

Caydiid Ali

Abiy Axmed oo xil Wasiir u magacaabay Gabar Soomaaliyeed oo iska leh Telefishin

Cabdi Cade
Taboola Ads ---