Allbanaadir.com
NEWSWORLD NEWS

Dowladda Faransiiska oo Hub iyo Saanad milatari u dirtay dalka Ukraine

Dowladda Faransiiska ayaa hub iyo saanad kale oo milatari u dirtay dalka Ukraine, xilli ciidamada dalkaasi dagaal adag oo is difaacid ah kula jiraan ciidamada milatariga Ruushka ee ku duulay dalkaasi.

Madaxweynaha Ukraine Volodymyr Zelenskyy ayaa uga mahadceliyay dowladda Faransiiska hubka iyo saanada milatari ee usoo direen, waxa uuna dowladdaha kale ka codsaday in ay taageero milatari lasoo gaaraan.

Emmanuel Macron ,Madaxweynaha Faransiiska ayaa sheegay in dhigiisa Ukraine uu ka dalbaday hub iyo saanad milatari, waxa uuna xusay in ay diyaar u yihiin in saanad milatari ku caawiyaan dalka Ukraine oo xaalad is difaac ah ku jira.

Dowladda Ruushka ayaa hanjabaad culus hawada u marisay dalalka doonaya in ay caawiyaan Ukraine, Xukuumadda Moscow ayaana sheegtay in ay cagta marin doonaan Ukraine iyo cid kasta oo garab siisa.

Dagaalka ka socda dalka Ukraine ayaana galay marxalad adag, waxa ayna ciidamada Ruushka isku dayayaan in ay la wareegaan gacan ku heyta magaalada Keiv si meesha uga saaraan jiritaanka dowladda uu hogaamiyo Madaxweyne Volodymyr Zelensky.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

https://www.youtube.com/watch?v=EAUdvOOZ9Mk&t=75s

Related posts

Israa’iil oo shaacisay iney Mareykanka la wadaageyso xog xasaasi ah oo ku saabsan..

Caydiid Ali

Qarax goor dhow ka dhacay Baydhabo iyo faahfaahino laga helayo

Caydiid Ali

Soomaalida ku nool dalalka qurbaha oo bilaabay abaabulka dibed baxyo waaweyn

Caydiid Ali
Taboola Ads ---