Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

(Daawo Sawirro) Haweeney ku dhimatay mashaqo argagax leh oo ka dhacday Muqdisho

Hooyo Asli Muudey oo ka mid ahayd Barakacayaasha ku nool duleedka Magaalada Muqdisho ayaa ku dhacday Ceel hoos u qodan 100 Mitir oo ku yaalla deegaanka Garasbaaley.

Asli ayaa la sheegay inay ka guraneysay geedo dhexdooda qoryo ay dabka ku shidato si ay carruurteeda cunto ugu karsato, waxayna si lama filaan ah ugu dhacday Ceelkan oo xili hore la isticmaali jiray, hareerihiisana ay ka baxeysay dhir badan qarisay.

Hooyada, ayaa saacado ka dib laga soo bixiyay ceelka iyadoo meyd ah, waxaana u gurmaday dadka iyo Maamulka degaankaasi, iyagoo kasoo saaray ceelka oo ahaa mid biyo laheyn oo xili hore guray.

Hooyo Asli, ayaa la sheegay inay ahayd Xaamilo isla markaana ay u joogeen 4 Carruur ah, kan shanaadna ay ku siday Caloosha, waxaana geerideeda ka naxay dadka degaanka oo maamulka ka dalbaday in Ceelkaas si rasmi ah loo aaso si mar kale aysan u soo laaban mashaqadan oo kale.

 

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

https://www.youtube.com/watch?app=desktop&v=wjwyaVuyeMw

Related posts

Tanziil Qur’an online oo Fursad qaali ah u haya Qurbojoogta Soomaaliyeed meel kasta ay joogaan

Cabdi Cade

Shirkadaha Isgaarsiinta Somaliland oo wacitaankooda la isku furay iyo shacabka oo ku farxay

Cabdi Cade

Wiil uu dhalay Madaxweyne Deni oo cabasho xooggan laga muujiyay

Cabdi Cade
Taboola Ads ---