Meydadka dhalinyaro Soomaali ah oo laga helay xeebta Magaalada Mombasa

Xeebta Magaalada Mombasa ee dalka Kenya ayaa la soo sheegayaa in saaka laga helay meydadka laba Dhalinyaro Soomaali ah.

Wararka ayaa waxay sheegayaan in dadkaasi shalay gelinkii dambe ay baddu qaaday xilli ay ku sugnaayeen xeebta degaanka Fidingo oo ku yaal duleedka Magaalada Mombasa.

Qof saddexaad oo la socday ayey wararku sheegayaan in lagu la yahay nolol iyo geeri, waxaana Magacyada  labada dhalinyarada ah lagu sheegay Maxamed Xasan Daahir iyo Ibraahim Qare.

Meydadka dhalinyarada la helay ayaa waxaa la geeyay Isbitaal ku yaalla Magaalada Mombassa, waxaana dhacdadaan aad uga naxay Soomaalida ku nool Magaalada Mombasa.

Waaxda Ciidamada Badda iyo Ciidanka Booliska degaanka Fidingo ayaa waxaa ay wadaan qrsho ay ku badi goobayaan meydka qofka Saddexaad oo la aminsan yahay in uu weli badda ku maqan yahay.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -