Senatorkii ugu dambeeyay ee kamid noqonaya Aqalka sare oo la doortay (Sawirro)

Baarlamaanka dowlad goboleedka Galmudug ayaa goordhaw magaalada Dhuusomareeb ku doortay senatorkii ugu dambeeyay ee kamid noqonaya xildhibaanada Baarlamaanka federaalka Soomaaliya.

Kursigan katirsan Aqalka sare ee goordhaw lagu doortay ayaa horey waxaa isaga casilay Xildhibaan Yuusuf Geelle Ugaas Dhagey oo u wareegsaday dhinaca xildhibaanada gollaha shacabka uu hada katirsan yahay.

Xildhibaanada Galmudug ayaa Senator u doortay Farxaan Cali Maxamuud oo ahaa Wasiirka maaliyadda dowlad goboleedka Galmudug, waxaana u tanaasushay gabar musharax aheyd oo lagu magacaabo Naciimo Yuusuf Shiiq Maxamed .

Aqalka sare ee Baarlamanaka federaalkka Soomaaliya ayaa soo dhameestirmay, waxaana hada socda doorashada Xildhibaanada gollaha shacabka, iyadoona la filayo in dhawwaan iyana soo dhameestirmaan kaddibna la dhaariyo.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -