Munaasabad Xil-wareejin ah oo maanta ka dhacday aqalka dowladda Hoose ee Xamar (Daawo Sawirada)

Munaasabad ka dhacday aqalka dowladda Hoose ee Xamar ayaa maanta waxaa xilka kula wareegay Guddoomiye ku xigeenada iyo xoghayaha Guud Maamulka Gobolka Banaadir ee dhawaan uu soo magaacabay Madaxweynaha Jamhuuriyada Federalka Soomaaliya.

Munaasabada xilwareejinta ayaa waxaa goobjoog ahaa guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna duqa magaalada Magaalada Muqdisho mudane Cumar Maxamuud Maxamed (Cumar Filish) iyo agaasimayaasha maamulka Gobolka Banaadir.

Masuuliyiinta xilka la wareegay ayaa waxaa kamid ah Guddoomiye Kuxigeenka cusub ee Maamulka iyo Maaliyadda Gobolka Banaadir, ahna Kuxigeenka 1-aad ee Guddoomiyaha Gobolka iyo Duqa magaalada Muqdisho, Mudane Cabdulqaadir Maxamed Maxamuud (Caano Boore).

Guddoomiye ku xigeenka 1-aad ee Guddoomiyaha Gobolka iyo Duqa Muqdisho ahna Guddoomiye ku xigeenka maamulka iyo Maaliyada, Mudane Cabdulqaadir Maxamed Maxamuud (Caano Boore) oo hadal ka jeediyay munaasabada ayaa sheegay in gobolka Banaadir uu xiligan u baahan yahay in si buuxda shacab iyo madax ay u garab istigaan, si looga gudbo culeys-yada jira.

Sidoo kale Guddoomiye Caano Boore ayaa sheegay in shaqaalaha iyo masuuliyiinta maamulka gobolka Banaadir lagula xisaabtami doono shaqsi kasta masuuliyada la saaray in uu ka soo baxay iyo inkale.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa 14 bishan November, 2020 u magacaabay Mudane Cabdulqaadir Maxamed Maxamuud in uu noqdo Kuxigeenka 1-aad ee Guddoomiyaha Gobolka iyo Duqa magaalada Muqdisho ahna Guddoomiye Kuxigeenka Maamulka iyo Maaliyadda Gobolka Banaadir.

Sidoo kale madaxweyne Farmaajo ayaa Cali Cabdi Wardheere u magacaabay Ku Xigeenka Amniga iyo Siyaasadda, sidoo kale Mudane Faarax Cabdi Diini ayaa loo magaacabay Guddoomiye Kuxigeenka Howlaha Guud ee Gobolka Banaadir, halka Mudane Xiireey Axmed Rooble loo magacaabay Xoghayaha Guud ee Gobolka Banaadir.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -