Allbanaadir.com
NEWSWORLD NEWS

Joe Biden oo ugu baaqay Muwaadiniinta Mareykanka in si deg deg ah uga baxaan Ukraine

Dowladda Mareykanka ayaa sheegtay in suurto gal tahay in ciidamada Ruushka xilli kasta ay duulaan ku qaadi karaan dalka Ukraine, waxaana laga cabsi qabaa in dagaal culus ka dhax qarxo ciidamada Ukrine iyo kuwa Ruushka.

Madaxweynaha dalka Mareykanka Joe Biden ayaa ugu baaqay muwaadiniinta Mareykanka ee jooga dalka Ukrine in sida ugu deg dega badan uga baxaan dalkaasi inta aysan duulaan ku qaadiin ciidamada Ruushka.

Dhinaca kale Xoghayaha Arrimaha Dibadda dalka Mareykanka Antony Blinken ayaa maanta shaaca ka qaaday in dowlada Ruushka ciidamo aad u badan geesay xaduuda uu la wadaago dalka Ukrine.

Antony Blinken, ayaa sheegay in duulaanka ciidamada Ruushka ee ku wajahan dalka Ukrine uu dhici karo saacad kasta,waxa uuna cadeeyay in suurto gal tahay  inta lagu guda jiro Ciyaaraha Olimbikada xilliga qaboobaha ee ka socda Shiinaha in uu dhaco duulaanka.

Dowlada Ruushka ayaa ciidamo aad u badan dhoobtay xuduuda  dalka Ukrine, waxaana Sirdoonka Mareykanka sheegeen in laga yaabo in taangiyada Ruushka 48 saac gudahood ah ku gaari karaan caasimadda Ukrine ee Kiev.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Aqalka Sare ee Baarlamanka Soomaaliya oo ka dooday ajende xasaasi ah (Sawirro)

Caydiid Ali

Mushahar la’aan soo wajahday Shaqaalaha Maamulka gobolka Banaadir

Caydiid Ali

Madaxweynihii xukunka laga tuuray ee dalka Niger oo war kulul soo saaray

Caydiid Ali
Taboola Ads ---