Qarax dhimasho iyo dhaawac geystay oo goor dhow ka dhacay Boosaaso

Ugu yaraan saddex ruux ayaa ku geeriyooday qarax daqiiqado ka hor ka dhacay meherad ama marfish lagu qayilo oo ku taalla magaalada Boosaaso ee xarunta Gobolka Bari.

Saraakiisha Laamaha kala duwan ee Amniga ayaa xaqiijiyay khasaaraha waxayna sheegeen in ay dib ka faahfaahin doonaan dhacdadaas ayna socdaan baaritaano.

Sidoo kale, dad ku dhaawacmay qaraxan ayaa goor dhoweyd la gaarsiiyey goobaha caafimaadka ee magaalada Boosaaso.

Warar kala duwan ayaa ka soop baxaya sida uu qaraxaas u dhacay, kuwaasoo qaarkood sheegayaan in goobtaas lagu tuuray bam gacmeed, halka warar kalena tilmaamayaan inuu ahaa qarax goobta lagu diyaariyey.

Magaalada Boosaaso oo dhowaan ay ka dhaceen dagaalo culus ayaa maalmahan waxaa ku soo badanayey falal amni daro oo inta badan au geysyaan kooxo hubeysan.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -