Daawo Sawirada sida Quruxda badan ee Cali Guudlaawe loogu soo dhaweeyay Baladweyne

Madaxweynaha Dowladda Hirshabeelle Mudane Cali Guudlaawe Xuseen iyo wafdi balaaran oo uu hogaaminayo oo maanta gaaray Magaalada Beledweyne ayaa si diiran loogu soo dhoweeyay Garoonka Diyaaradaha Ugaas Khaliif.

Madaxweynaha waxaa garoonka diyaaraha kusoo dhoweeyay Madaxweyne Ku Xigeenka Dowladda Hirshabeelle Mudane Yuusuf Axmed Hagar Wasiiro Xildhibaano Gudoomiyaha Gobolka iyo qeybaha kala duwan ee bulshad.

Madaxweynaha ayaa hoolka shirarka Gobolka uga qeybgalay Munaasabad balaaran oo lagu soo dhoweeyaynayay.

Madaxweynaha ayaa inta uu joogo Magalaada Beledweyne waxa uu kulamo la qaadan doonaa Maamulka Gobolka, waxgaradka nabadoonada iyo qeybaha kala duwan ee bulshada.

- Advertisement -