Ilhan Cumar oo ka hadashay Go’aankii kasoo baxay Maamulka Israa’iil

Maamulka Isra’il ayaa diiday in dhulkeeda yimaadaan labo Xildhibaan oo katirsan aqalka Koongareeska dalka Mareykanka , kadib baaq uga yimid Madaxweynaha dalka Mareykanka Donald Trump.

Ilhan Cumar iyo Rashida Dhaalib oo ah labo Xildhibaan oo kasoo horjeeda Siyaasada Trump iyo Isra’il  ayaa loo diiday in ay safar ku tagaan dhulka ay maamusho Isra’il halkaas ay qorsheenayeen in howlo shaqo u tagaan.

Qoraal ay soo saartay Ilhan Cumar ayey uga hadashay go’aanka Isra’il dhulkeeda ugu diideen, waxa ayna sheegtay in shaqadeeda tahay in ay la socoto kaalmada caalamka ee Mareykanka uu bixiyo iyo sharciyeynta ku dhaqanka xuquuqda aadanaha .

“Xayiraaddii Trump ee Muslimiinta uu saaray waa tallaabada ay Israa’iil meel marineyso, markan waxaa la bartilmaameedsaday laba xubin oo si sharci ah loogu doortay aqalka Congress-ka,waxaa wax laga xumaado ah in arrintan aysan la yaab lahayn, marka loo eego dhanka bulshada, kaas oo si joogto ah oga goos haysta dadaallada nabadda”, ayey tiri Ilhan.

Labadan Xildhibaan ee Isra’il u diiday in dhulkooda yimaadana ayaa la filayaa in isbuuca soo socda tagaan dhulka Falastiin, waxa ayna Xildhibaanadan horey marar badan u dhaleeceeyeyn siyaasada Israa’il iyo xadgudubka ay Falastiin ku heyso.

Madaxweynaha dalka Mareykanka Donlad Trump ayaa dhawaan Isra’il ugu baaqay in labadan Xildhibaan dhulkooda in ay yimaadana u diidaan, waxa uuna sheegay in labadan gabdhood ay neceb yihiin Isra’il.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho-Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -