Qarax & Dab qabsaday Markab sida shidaal gaaraya Malaayiin fuusto (Sawirro)

Markab lagu magacaabo FPSO Trinity Spirit sida xamuul fara badan oo Shidaal ah ayaa ku qarxay xeebaha dalka Nigeria, waxaana qabsaday dab aad xooggan.

Waxaa saaran markabka Ilaa 2 milyan oo fuusto oo shidaal ah, lamana ogga sababta qaraxa dhalisay.

Muuqaal laga soo duubay ayaa muujinaya Markabka oo gubanaya, qiiq madow oo cirka isku shareeray iyo Markabka oo u muuqda inuu sii quusayo.

Xeebta Nigeria, waxaa jirta khatar ah masiibo deegaan oo ay sabab u tahay qaraxa iyo dabka ka kacay markabka saliidda ee FPSO Trinity Spirit. Ilaa hadda lama oga in ay jiraan khasaare nafeed iyo inta ay la egtahay saliidda ku daadatay badda.

“Waqti xaadirkan wax dhimasho ah lama soo sheegin, laakiin waxaan xaqiijin karnaa inay saarnaayeen 10 shaqaale ah ka hor shilka, waxaan wadnaa baaritaan mudnaan leh oo ammaankooda ah,” ayuu yiri agaasimaha fulinta ee shirkadda SEPOL ee markabkan masuulka ak ah Ikemefuna Okafor.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -