Sidee Ahlu-sunna u aragtaa kursiga Xildhibaanimo ee loo doortay C/samad M. Max’uud?

Kooxda Ahlu-Sunna ayaa War ka soo saartay  kursiga Xildhibaanimo ee loo doortay Cabdisamad Macalin Maxamuud oo uu dhalay hoggaamiyaha kooxdaas Macallin Maxamuud

Cabdisalaan Aadan Xuseen oo ah Madaxa Siyaasada Ahlu Sunna ayaa sheegay Cabdisamad Macallin Maxamuud uu qabiilkiisa ku soo baxay balse uusan matalin Ahlu sunna.

“Qof kasta oo Soomaali ah xaq wuxuu u leeyahay inuu xildhibaan noqdo, qof kastana waa inuu qabiilkiisa ka soo galaa arrintana waxba kama bedeleyso Mowqifka Ahlu Sunna ee la xiriira dowladda dhexe ama dowladda Galmudug, Cabdisamadna kuma soo bixin  magaca Ahlu Sunna ee qabiilkiisa ayuu ku soo baxay,” ayuu yiri Cabdisalaan Aadan Xuseen.

Madaxa Siyaasada Ahulu Sunna ayaa qiray in Cabdisamad Macallin Maxamuud uu ka tirsan yahay Ahlu sunna, balse aysan taas ka dhigneyn inuu ku matalo kursigaas.

“Cabdisamad waa nin Ahlu Sunna ah. Sheekha Guddoomiyaha u ah Ahlu Sunna ayaa dhalay laakiin taasi wax matalaad ah oo Ahlu Sunna Waljameeca ku leedahay ma jirto,” ayuu yiri Cabdisalaan Aadan Xuseen oo ah Madaxa Siyaasada Ahulu Sunna.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -