Dad u heystay in la siiyey talaalka cudurka COVID-19 oo War yaab leh loo sheegay

Mas’uuliyiinta Jarmalka ayaa ugu baaqay in ka badan sideed kun oo qof iney mar kale qaataan tallaalka Covid-19, kadib markii laga shakiyay in kalkaaliso ay dadkaas ku muday dareeraha saline ee ka kooban biyaha iyo cusbada bedelkii talaalka

Booliska ayaa baaraya falka ay ku kacday kalkaalisadaas oo ka shaqeyneysay xarun tallaal oo ku taalla Magaalada Friesland.

Markii hore, waxaa la rumeysnaa in mudadii u dhexaysay March iyo April lix qof oo keliya lagu duray biyahaas cusbada leh ee aan jirka wax u dhimeyn.

Inta badan dadka ay arrintaas ku dhacday ayaa la sheegay inay yihiin waayeel 70 jir ka weyn oo kamid ah dadka khatarta ugu jira cudurka.

kalkaalisada qiratay in lix qof ay ku durtay biyaha cusbada leh si ay u qariso inay dhulka ku daadisay dhalooyinkii uu ku jiray tallaalkii la siin lahaa dadkaas.

Balse baaritaan uu sameeyay booliska ayaa waxaa lagu ogaaday in dad badan ay siisay biyahaas cusbada leh, halkii ay ku duri lahayd tallaalka Pfizer/BioNTech.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -