Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

(Daawo Sawirro) Degmada ugu da’da yar Muqdisho oo laga dhisayo laamigii ugu horeeyey

Degmada Kaxda ee gobolka Banaadir ayaa waxaa ka bilowday dhismaha laamigii ugu horeeyey ee degmadaas yeelato tan iyo markii loo aqoonsaday degmanimo sanado ka hor.

Laamigan oo hadda laga bilaabay isgoyska Xoosh ee kala qeybiya degmooyinka Dharkeynley iyo Kaxda ayaa laga dhisayaa wadada jaayga ee dhexmarta degmadaas kaasoo cabirkiisu gaarayo dhowr Kiilomitir, isagoo ku dhamaan doona nawaaxiga Km13 ee wadada isku xirta Muqdisho iyo Afgooye.

Dhaqaalaha ku baxaya dhismaha laamigan cusub ayaa waxaa iska kaashanaya Maamulka degmada Kaxda, shacabka, ganacsatada iyo culimaa’diinka degaanka sida ay inoo xaqijiyeen xubno ka tirsan masuuliyiinta degmada qaarkood.

Shacabka degmada Kaxda ayaa si weyn u soo dhoweeyey in degmadaas laga dhiso laamigii ugu horeeyey taariikhda, kaasoo ay sheegeen inuu wax badan ka bedeli doono bilicda iyo horumarka degmada oo sanadahan dambe aad u soo camirantay.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Kheyre iyo Xildhibaano Heshiis hoose gaaray iyo Khataro cusub oo soo shaac baxay

Cabdi Cade

Saraakiil Mareykan ah oo tagay xarunta Taliska Ilaaladaha Xeebaha Muqdisho (Sawirro)

Cabdi Cade

Nin Toorey ku hubeysan oo dhaawacay Ciyaartoy caan ah iyo dad kale (Sawirro)

Caydiid Ali
Taboola Ads ---