Allbanaadir.com
NEWS

Ciidanka dowladda oo gacanta ku dhigay Oday katirsanaa Al Shabaab iyo hubkiisa (Sawirro)

Ciidanka xoogga dalka Soomaaliya oo gacan ka helayay kuwa dadka deegaanka ee ku sugan bariga gobolka Galgaduud ayaa maanta gacanta kusoo dhigay oday katirsanaa Al Shabaab oo lagu magacaabayay Saciid Cali Gacamey.

Ninkan ciidanka soo qabteen ayaa la sheegay in uu kamid ahaa saraakiisha Al Shabaab ee ka howlgalayay degmooyinka Ceeldheer , Galcad iyo deegaanno hoostaga, waxaana lagu eedeeyay in dhibaatooyin badan u geestay dadka deegaanka.

Warbaahinta dowladda ayaa sheegtay in Saciid Gacamayey muddooyinkii dambe si dhuumaaleysi ah ugu jiray dhulka howdka ah, waxaana ciidanku kasoo qabteen agagaarka deegaanka Geerile oo hoostaga degmada Ceeldheer.

Saraakiisha ciidanka dowladda ee soo qabtay ayaa sheegay in ninkan kamid ahaa odayaasha Al Shabaab sida dhaw ula shaqeenayay, waxa ayna xuseen in ay hayeen xogtiisa ayna ku daba jireen muddo dheer.

Ciidanka dowladda ayaa horey bariga gobolka Galgaduud uga soo qabtay odayaal iyo xubno la shaqeenayay kooxda Al Shabaab, waxaana xubnahaasi lagu eedeeyay in dhibaatooyin badan geesteen intii ay Al Shabaab u shaqeenayeen.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Gabar Dhaqan wanaaga Saaxiibteed oo Muslimad ah awgeed Islaamka ku noqotay (Sawirro)

Cabdi Cade

Gantaal lagu tilmaamay Hubka dunida ugu awooda badan oo lasoo bandhigay (Sawirro)

Cabdi Cade

Madaxweyne Erdogan oo gacan ka geesanaya Xal u helida Colaada Tigrey

Cabdi Cade
Taboola Ads ---