Itoobiyaan lagu laayay degmada Baladxaawo iyo xogta cidda lagu tuhmayo falkaasi

Wararka ka imaanaya degmada Baladxaawo ee gobolka Gedo ayaa sheegaya in xalay halkaasi uu ka dhacay weerar lagu laayay dad badan oo Itoobiyaan ah, gaar ahaan kuwa kasoo jeeda qowmiyada Oromada.

Koox hubeysan ayaa la sheegay in ay xalay galeen guri ay degnaayeen dadka Itoobiyaanka ah, waxa ayna halkaasi ku dileen ilaa todobo qof, halka tiro kalana weerarkaasi lagu dhaawacay .

Dadka la dilay ayaa kala ahaa saddex nin oo Oromo ah iyo saddex hablood oo iyana Oromo ah, waxaa sidoo kale weerarkaasi lagu dilay haweeney Soomaali ah oo wax ka degneed guriga weerarka ka dhacay.

Oday kamid ah dadka deegaanka oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay in koox ay u maleenayaan Al Shabaab ka dambeeyeen weerarka xalay lagu laayay muwaadiniinta Itoobiyaanka ee ka dhacay Baladxaawo.

Waxa uu sheegay dadkaasi la beegsaday ay degnaayeen xaafad katirsan degmada Baladxaawo gaar ahaan dhinaca xadka Kenya, waxa uuna sheegay odayga reer Baladxaawo in kooxdii dadkaasi leysay ay goobta isaga baxsadeen.

Dowladda Soomaaliya iyo maamulka Jubbaland ayaan wali ka hadlin falkan lagu laayay dadka kasoo jeeda Oromada Itoobiya, mana jirto ilaa hadda cis sheegatay masuuliyada weerarkaasi dhiiga badan ku daatay.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -