Daacish oo xirtay goobo badan oo Ganacsi oo kuyaala Suuqa Bakaaraha (Sawirro)

Wararka aan ka heleyno suuqa weyn ee Bakaaraha ee kuyaala magaalada Muqdisho ayaa sheegaya in xarumo badan oo ganacsi oo kuyaala gudaha suuqaasi ay xiran yihiin , taas oo saameyn ku yeelatay dadka ku dhaqan caasimadda.

Sida aan wararka ku helnay kooxda Daacish ayaa amar ku siisay goobo badan oo ganacsi oo kuyaala Suuqa Bakaaraha gaar ahaan bakhaarada waa weyn in ay bixiyaan lacago ay ugu yeereen zakko iyo canshuur.

Ganacsatada ayaa wararku sheegayaan in ay ka biyo diideen bixinta lacagta badan ee lagu amray in ay bixiyaan, waxa ayna dantu ku qasabtay in ay fuliyaan ammarka kooxda Daacish ee ku aadan in ay xiraan xarumahooda ganacsi.

Dowladda Soomaaliya iyo maamulka Gobolka Banaadir ayaana ka hadlin xarumaha ganacsi ay xireen kooxda Daacish, waxaana xusid mudan in dowladda iyo maamulka gobolka Banaadir siyaabo kala duwan ganacsatadan uga qaateen canshooro .

Ganacsatada magaalada Muqdisho ayaana xilligan wajahaya xaalad adag , waxaana lagu qasbay in ay siyaabo kala duwan lacago badan oo baad ah u bixiyaan hadii ay diidaana ay halis galeyso noloshooda iyo ganacsigooda.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -