Allbanaadir.com
HIRSHABELLENEWS

Diyaarad waday Ciidamo isugu jira Haramcad iyo Gorgor oo ka degtay Baladweyne

Diyaarad waday ciidamado si gaar ah u tababaran oo katirsan guutooyinka Haramcad iyo Gorgor ayaa maanta ka degtay garoonka diyaaradaha Ugaas Khaliif ee kuyaala magaalada Baladweyne ee xarunta gobolka Hiiraan.

Ciidankan oo laga qaaday magaalada Muqdisho ayaa loogu tala galay in ay xoojiyaan ciidamada dowlada iyo kuwa Hirshabelle ee horey u joogay magaaladaasi si looga hortago maleeshiyaad hubeesan oo magaalada cabsi gelin kawada.

Sida aan wararka ku helnay ciidamadan maanta la geeyay Baladweyne iyo kuwa kale oo la qorsheenayo in la geeyo magaaladaasi ayaa loogu tala galay in xoojiyaan amaanka Baladweyne oo la filayo in uu tago Cali Guudlaawe sidoo kale ka dhacdo doorasho.

Magaalada Baladweyne ayaa lagu wadaa in ay ka dhacdo doorashada 25-kursi oo kamid noqonaya xidhibaanada gollaha shacabka, waxaana ciidamada la geeyay Baladweyne si gaar ah ula wareegi doonaan amaanka goobta ay doorashada ka dhaceyso.

Madaxweynaha Hirshabelle ayaa lagu waday in shalay gaaro magaalada Baladweyne ,hasa ahaatee waxaa magaalada ka bilowday banaan baxyo looga soo horjeeday, waxaana xaafado katirsan magaalada soo galay ciidamo hubeesan oo Guudlaawe kasoo horjeeda.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Xassan Shiikh oo xilal u Magacaabay siyaasiyiin Mucaardsan Deni

Caydiid Ali

Taliyihii Booliiska Dhuusomareeb oo xalay caro darteed isku casilay lana hadlay Warbaahinta

Cabdi Cade

Nin Israa’iili ah oo weerar uu ku fashilmay ka geestay Mareykanka

Cabdi Cade
Taboola Ads ---