Dowlada oo Ciidamo badan geeneysa Baladweyne iyo Ujeedka ka dambeeya oo la ogaaday

Warar lagu kalsoonaan karo oon helnay ayaa sheegaya in dowlada federaalka wado qorshe ciidamo gaar ah ku geeneyso magaalada Baladweyne ee xarunta gobolka Hiiraan, halkaas uu ka jiro kacdoon looga soo horjeedo maamulka Hirshabelle.

Ciidamada dowlada geeneyso Baladweyne ayaa isugu jira Haramcad iyo Gor Gor, waxaana ciidamadan la doonayaa in ay xasiliyaan ammaanka magaalada Baladweyne si halkaasi u tago Madaxweynaha Hirshabelle sidoo kale loogu qabto doorashada gollaha shacabka.

Magaalada Baladweyne waxaa hada ku sugan ciidamo maleeshiyaad ah oo kasoo horjeeda in magaaladaasi yimaado Madaxweynaha maamulka Hirshabelle , waxa ayna ku hanjabeen in ay dagaalamayaan hadii Cali Guudlaawe cagta soo saaro Baladweyne.

Dowlada federaalka oo heshiis hoose la gashay Jeneraal Abuukar Xuud ayaa qorsheesay in magaalada Baladweyne tago Madaxweynaha Hirshabelle, hasa ahaatee waxaa magaalada soo galay ciidamo kale oo Cali Guudlaawe diidan.

Magaalada Baladweyne ayaa hada waxaa ka taagan xiisad laga cabsi qabo in dagaal isku bedesho, dadka magaaladaasi kunool qaar badan oo kamid ah ayaana diidan maamulka Hirshabelle uu hogaamiyo Cali Guudlaawe.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -