Allbanaadir.com
GALMUDUGNEWS

Ciidanka Dowlada oo saakay fashiliyay weerar soona bandhigay meydka sargaal katirsanaa…

Ciidamada milatariga Soomaaliya gaar ahaan kuwa kumaandooska ee Gorgor ayaa la sheegay in ay fashiliyeen weerar qorsheesan oo Al Shabaab xubno katirsan doonayeen in ay ka geestaan degmada Guriceel ee gobolka Galgaduud.

Saraakiil katirsan ciidanka milatariga ayaa sheegay in ciidamada kahor tageen weerarka Al Shabaab ayna dileen xubno katirsan kooxdaasi uu ku jiro sargaalka Al Shabaab u qaabilsanaa degmada Guriceel oo lagu magacaabo Daa’uud Ibrahim Shaambil.

Ciidamada milatariga Soomaaliya ayaana soo bandhigay meydadka sargaalka la dilay iyo dagaalyahano la socday, waxa ay sidoo kale ciidamada soo bandhigeen gaari iyo hub ay kala wareegeen Al Shabaab.

Warbaahinta dowlada ayaana tabisay in gaariga Al Shabaab lagala wareegay in ay saarnaayeen qaraxyo miino aan qarxin ay doonayeen in ay adeegsadaan iyo hub kala duwan ay doonayeen in weerar ku geestaan.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

https://www.youtube.com/watch?v=NXtQv5Aq5gc&t=300s

Related posts

Dhacdo naxdin leh: Lamaane geeriyooday daqiiqado ka dib arooskooda (Sawirro)

Caydiid Ali

Qarax goor dhow ka dhacay guri ku yaalla Muqdisho & faahfaahino ka soo baxaya

Caydiid Ali

Xiliga la bilaabayo wejiga 1aad ee Mashaariicda Qatar ka fulineyso Somalia oo la shaaciyey

Caydiid Ali
Taboola Ads ---