Xog ku aadan Ciidanka Milatariga Soomaaliya oo labo dhinac loo qeybinayo oo la ka shifay

Hogaamiyaha Xisbiga Wadajir kana mid ah Musharaxiinta u taagan xilka Madaxweynaha Cabdiraxmaan Cabdishakuur ayaa soo bandhigay xog hoose uu helay oo sheegeysa in ay socdaan qorshe labo dhinac loogu qeybinayo ciidanka milatariga Soomaaliya.
Cabdiraxmaan Cabdishakuur ayaa sheegay in ciidanka milatariga loo qeybin rabo labo dhinac oo kala ah qeyb taageersan Farmaajo oo la doonayo in lagu boobo doorashada iyo kuwa laga shakisan yahay oo la doonayo in dagaal la galiyo si loo mashquuliyo.
”Waxaan xog sugan ku helaynaa in Ciidanka Xoogga Dalka (CXD) loo kala qeybinayo kuwo daacad u ah madaxweynaha xilkiisa dhamaaday iyo kuwo shaki laga qabo. Taliyaha ciidanka Generaal Odawaa iyo taliyaha ciidanka lugta Gen. Biixi ayaa shaqadaas ku hawlan, Ciidanka lagu tuhunsan yahay in aysan daacadda aheyn ayaa loo dirayaa furamaha dagaalka ee kooxaha argagexisada, halka kuwa la hubiyey daacadnimadooda loo diyaarinayo boobka doorashooyinka iyo weerarro lagu qaado siyaasiyiinta mucaaradka.;; ayuu yiri Cabdiraxmaan Cabdishakuur.
Cabdiraxmaan Cabdishakuur ayaana uga digey taliyaha ciidanka in uusan horseedin burburka ciidanka, kana saaro ku milanka siyaasada, waxa uuna xusay in amarka la siiyay aysan luquntiisa ka saari doonon dambiyada uu galo.
Xogta uu soo bandhigay Siyaasigan ayaa kusoo aadeysa xili dhawaan dowlada ciidamada milatariga Soomaaliya ee Gor gor u adeegsaday sidii loo joojin lahaa banaan bax Mucaaradka qorsheenayeen in uu ka dhaco Muqdisho.
Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com

Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -