Qarax Khasaaro geestay oo ka dhacay Magaalada Abu Dhabi iyo Diyaarado Drone oo…

Wararka ka imaanaya magaalada Abu Dhabi ee dalka Imaaraadka Carabta ayaa sheegaya in halkaasi maanta ka dhaceen qaraxyo dhaliyay khasaaro kala duwan oo isugu jira dhimasho iyo dhaawac.

Diyaarado nuuca aan duuliyaha laheyn ee loo yaqaan  drones ayaa lagu tuhmayaa in ay ka dambeeyeen weerarkan ka dhacay magaalada Abu Dhabi, waxaana qarxa lala beegsaday booyado shidaan waday iyo xarumo kale

”Baaritaano horudhac ah ayaa tilmaamaya in walxaha yar ee la arkay ay ka yimaadeen diyaarado drone ah, kuwaas oo ku kala dhacay laba goob ayna suurta-gal tahay inay sababeen qarax iyo dab,” ayaa lagu yiri bayaanka kasoo baxay booliska..

Inta la xaqiijiyay saddex ruux ayaa ku dhintay qaraxan halka ay ku dhaawacmeen lix qof oo kale,  waxaana laga cabsi qabaa in ay sii kordhayaan khasaaraha dhimasho iyo midka dhaawac ee ka dhashay qaraxan.

Kooxda  Xuutiyiinta ee ka dagaalanta dalka Yemen ayaa shaaciyay in howlgal milatari ka fuliyeen dalka Imaaradaka Carabta, waxa ayna kooxda shaaciyeen in ay faah faahin dheeraad ah ka bixin doonaan howlgalkan.,

Booyadaha shidaalka daabula ayaa ku qarxay agagaarka warshadda Musaffah oo u dhow xarumaha shidaalka lagu keydiyo sidoo kale dab ka kacay kacay meel dhisme ka socday oo ku taalla garoonka diyaaradaha Caalamiga ah ee magaalada Abu Dhabi.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -