Allbanaadir.com
HIRSHABELLENEWS

Jeneraal Xuud oo Nabadda qaatay wadahadalna la galaya Madaxweynaha Hirshabelle

Janeraal Abuukar Warsame Xuud oo si weyn uga soo horjeeday maamulka Hirshabelle uu hogaamiyo Madaxweyne Cali Guudlaawe , ayaa shaaca ka qaaday in uu tanaasul sameenayo uuna wadahadal la galayo Maamulka Cali Guudlaawe hogaamiyo.

Taliyaha ciidanka dhulka ee milatariga Soomaaliya Jeneraal Biixi oo maanta gaaray magaalada Baladweyne ayaa ku qanciyay Jeneraal Xuud in uu nabada qaato lana hadlo masuuliyiinta maamulka Hirshabelle.

Waxa uuna taliyaha isla maanta kulansiiyay Jeneraal Xuud iyo guddoomiyaha gobolka Hiiraan Cali Jeyte kuwaa oo gacmaha is galiyay, waxa uuna ugu baaqay Jeneraal Biixi labada dhinac in nabadda ka shaqeeyaan.

Jeneraal Abuukar Xuud ayaa sheegay in uu diyaar u yahay in wadahadal la galo dowlada federaalka iyo sidoo kale maamulka Hirshabelle, uuna doonayo in uu kala hadlo xaqa ka maqan shacabka Hiiraan uu xaqooda u doodayay.

Dhinaca kale Taliyaha ciidanka dhulka ee milatariga Soomaaliya Jeneraal Biixi ayaa dhankiisa ugu baaqay shacabka Hiiraan in ay soo dhaweeyaan is fahamka kana shaqeeyaan nabada iyo horumarka gobolka Hiiraan.

Magaalada Baladweyne ayaa mudooyinkii waxaa ka jiray xiisad u dhaxeesay maamulka Hirshabelle iyo ciidamo beeleed uu hogaaminayay Jeneraal Abuukar Xuud oo kasoo horjeeday Madaxweyne Guudlaawe una diiday in uu Baladweyne yimaado.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Xubnaha soo xulaya ergada dooraneysa kuraasta HOP257 & HOP260 oo la diwaangeliyay (Sawirro)

Cabdi Cade

Gudoomiye Cali Jeyte oo lacag dul dhigay madaxa Cali dheere & xubno kale (Sawirro)

Caydiid Ali

Puntland ayaa sheegtay inaysan aqoonsaneyn Hey’adda Shidaalka Soomaaliya (Akhriso)

Caydiid Ali
Taboola Ads ---