Maamulka G/Banaadir oo shaaciyay in Amarka Wasaaradda Amniga ka shaqeyn Muqdisho

Guddoomiye ku-xigeenka amniga iyo siyaasadda Maamulka Gobolka Banaadir Cali Cabdi Wardheere, oo maanta warbaahinta la hadlay ayaa faah faahin ka bixiyay kulamo ay la qaateen odayaasha dhaqanka ee baajiyay banaan bixii lagu waday khamiistii la qabto.

Cali Yare ayaa sheegay in Odayaasha dhaqanka kala hadleen sababtii ay u diideen in banaan bax xiligan lagu qabto Muqdisho, waxa uuna tilmaamay in banaan baxa u diideen sababo la xariira amniga iyo in aysan jirin sabab xiligan loo banaan baxo.

Waxa uu sheegay guddoomiye kuxigeenka gobolka Banaadir  in ammaanka shacabka Gobolka ay mas’uul ka yihiin,  isla markaana uu amniga kala qiimo badan yahay in lagu saleeyo doorasho muddo kooban soconeysa.

Cali yare ayaa sheegay in Odayaasha dhaqanka ka codsadeen in ay u sheegaan sababta ay banaan baxa u joojiyeen kooxda abaabulka wada, waxa uuna cadeeyay in aysan marnaba aqbali doonin in banaan bax mico daro ah Muqdisho ka dhaco.

Guddomiye kuxigeenka amniga gobolka Banaadir ayaa cadeeyay in amniga uu mas’uul ka yahay Maamulka Gobolka Banaadir, ayna u Madax banaan yihiin, isla markaana aysan jirin cid kale oo lagala hadli karo arrintaas, waxa uuna shaaciyay in amarada Wasaaradda amniga aysan ka shaqeyn karin Gobolka, si lamid ah maamul Goboleedyada kale oo aysan ka socon.

Hadalkan kasoo yeeray maamulka gobolka Banaadir ayaa imaanaya xili la filayo in magaalada Muqdisho ka dhaco banaan bax looga soo horjeedo Madaxweyne Farmaajo, waxaana banaan baxan fasaxday in Muqdisho ka dhaco wasaaradda amniga dalka.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -