Wiilashada Trump oo Eedeyn u jeediyay Xisbiga Jamhuuriga uu aabahood katirsan yahay

Madaxweynaha dalka Mareykanka Donald TRump ayaa u muuqda mid ku guul dareestay in mar kale dib loo doorto, waxaana la saadaalinayaa in saacadaha soo aadan doorashada ku guuleesan doono Musharaxa Xisbiga Dimuquraadiga Joe Biden.

Qoyska Madaxweyne Trump iyo xubno kale oo aad ugu dhaw Madaxweynaha ayaa si kulul uga hadlay natiijada doorashada, waxa ayna sheegeen in ay jirto ku shubasho iyo cadaalad daro meelaha qaar.

Labada wiil ee waaweyn ee uu dhalay Donald Trump ayaa ku eedeeyay xubnaha Xisbiga Jamhuuriga uu aabahood doorashada ku matalayay inay ku guul darreysteen inay taageeraan madaxweynaha, xilli uu dadaal ugu jiro in dib loo doorto.

Wiilka ugu weyn wiilasha Trump, Don Jr, ayaa xisbiga ku eedeeyay inuu yahay “daciif”. Walaalkiis Eric ayaa ka digay: “Codbixiyeyaasheenna weligood idinma hilmaami doonaan haddii aad tihiin ido!”

Xubno sare oo Jamhuuriga ka tirsan sida sanatarka Utah, Mitt Romney iyo Barasaabka Maryland, Larry Hogan ayaa kooxda ololaha Trump uga digay inay wiiqaan hannaanka dimuqraaddiyadda.

Don Jr ayaa barta Twitter-ka ku qoray qoraal uu ku muujinayo carada uu u hayo kuwa u hanqal taagaya doorashada madaxtinnimada sanadka 2024.

“Ficil la`aanta dhammaan kuwa u hanqal taagaya ‘ doorashada 2024 [Jamhuuriga] ‘ waa wax la yaab leh,waxay muujiyeen inay doonayaan ayna awoodaan inay dagaallamaan balse waxay ka door bideen inay ka dhuuntaan warbaahinta. Ha welwelin wuu dagaallami doonaa ayagana way daawan doonaan sida caadada u ah!” ayuu yiri Don Jir

Walaalkiis ayaa goor dambe taageerayaasha Trump hadal uu ugu jeediyay Atlanta, Georgia – oo ka mid ah gobollada hardanka loogu jiro, tirintuna ay socoto, in aabbihiis uu ku saxsanaa inuu dacwad ka gudbiyo hannaanka tirinta codadka.

“Waxaan u maleynayaa waxa ugu horreeya ee uu Donald Trump sameyn karo inay tahay inuu si adag uga dagaallamo mid kasta oo ka mid ah gobolladaas,” ayuu yiri.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -