Allbanaadir.com
JUBALANDNEWS

Xukun dil ah oo saakay goob fagaare ah lagula fuliyay Cabdiqaadir Faarax dhaqane

Maxkamadda dajajada 1aad ee Ciidamada Qalabka sida qeybta 27aad ayaa saaka xukun dil ah ku fulisay askari katirsanaa Ciidamada milatariga Soomaaliya, kaas oo qof shacab ah horey ugu dilay degmada Belad Xaawo.

Cabdiqaadir Faarax dhaqane (Nuune ) oo katirsanaa ciidanka milatariga  ayaa magaalada Belad Xaawo dil bareer ah horey ugu heestay Marxuum Mowliid Baashe Cumar oo ahaa makaanik baabuurta sameeya.

Fagaaraha toogashada saaka ka dhacday ayaa waxaa ku sugnaa Saraakiisha Maxkamadda Ciidamada qeybta 27aad, Ehellada Askariga la toogtay & Ehelada qofkii uu horay u dilay iyo dadweyne kale oo u soo daawasho tegay.

Xeer ilaaliye kuxigeenka Maxkamadda Ciidamada qeybta 27aad Gaashaanle Maxamed Cabduqaadir Maxamed ayaa sheegay in Cabdiqaadir Faarax dhaqane (Nuune ) lagu helay in uu dilka ka dambeeyay, isla markaana saakay xukunkii horay loogu riday lagu fuliyay.

Fagaare kuyaala degmada Luuq ee gobolka Gedo ayaa shalay sidan oo kale xukun dil ah lagula fuliyay askari katirsanaa ciidanka daraawiiishta JUbbaland kaas oo isna nin bajaajle ahaa horey ugu dilay gudaha degmada Luuq.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

https://www.youtube.com/watch?v=Vxq1TmyN-PQ

Related posts

Ciidamada ammaanka oo Muqdisho ku qabtay dad lagu tuhmayo qarax lagu dilay sargaal ciidan

Cabdi Cade

Amiiro diiday in ay ka baxaan Qasriga Boqortooyada Sacuudiga oo Xabsiga la dhigay

admin

Taliban oo shuruudo ku xirtay Waxbarashada haweenka dalka Afghanistan

Caydiid Ali
Taboola Ads ---